Qoyska Boniface Mwangi Kariuki, oo 22 sano jir ah oo ka ganacsan jiray xaruunta dhexe ee magaalada Nairobi oo shalay uu askari ka tirsan booliiska ka hortagga rabshadaha uu madaxa kaga toogtay waddada Moi Avenue ee magaalada Nairobi ayaa hadda codsanaya caddaalad iyo tallaabo degdeg ah.
Jonah Kariuki Nyambura oo ah aabaha wiilka dalay ayaa dalbaday in uu ogaado dambiga wiilkiisa uu galay ee keenay in askariga uu rasaas ku furo, isaga oo sheegay in uu naftiisa kaliya ku ilaalinayo iibinta maaskiga.
Isagoo saxaafadda la hadlayay subaxnimadii saaka, Mr. Nyambura ayaa sheegay in wiilkiisa uu ku jiro isbitaalka qaranka ee Kenyatta (KNH), halkaas oo loola cararay ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo naftiisa halis geliyay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu saraakiisha waxaa uu kula dar daarmay inay is xakameeyaan, isagoo ku baaqay in si deg deg ah tallaabo looga qaado askariga toogtay wiilkiisa.
Mr. Kariuki ayaa sheegay in Boniface uu leeyahay afar gabdhood oo walaalo ah.
Waxaa garab taagnaa Senetarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah, kaas oo cambaareeyay arxan darada booliiska, isaga oo intaa ku daray in ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto dhacdada.
Adeegga booliiska qaranka ee NPS ayaa xaqiijiyay qabashada askariga toogtay Mwangi.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Qoyska ninkii shalay booliiska ay ku toogteen Nairobi oo xaqiijiyay inuu nool...