DHEGEYSO:Qoysaska caruurtooda ku waayay burburkii Kayole oo cadaalad dalbaday

0
480

Qoysaska laba arday oo ku dhintay xaruunta waxbarasho ee Emmanuel New Life Learning Center oo ku taal xaafadda Kayole ee Nairobi ayaa jawaab ka dalbanaya dowladda kadib markii carruurtooda ay ku geeriyoodeen dhismo ku soo dhumay xilli ay ku jireen waqtiga qadada.
Waalidiinta murugeysan ayaa ku baaqaya in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, isla markaana sharciga lala tiigsado dadkii ka dambeeyay masiibadan.
Masuuliyiin ka socday hay’ado kala duwan ee dowladda ayaa Talaadadii kormeer ku tagay dugsigaasi, si ay u ogaadaan waxa keenay dhacdadan, iyadoo ay socoto howl gal lagu baadi goobayo mulkiilaha dhismahaas oo aan hore loo arag.