Qoys ka soo jeeda Tuulada Turiru ee ismaamulka Kiambu ayaa codsanaya in la hagaajiyo adeegyada caafimaadka si looga hortago khasaaraha nafeed.
Arrintan ayaa timid kadib markii canug ay dhaleen oo 11 bilood jir ahaa uu dhintay, kadib markii sida la sheegay uu ku guuldareystay inuu helo daryeelkii loo baahnaa.
Sababo la xiriira shaqo-joojintii ay sameyeen dhakhaatiirta isbitaalka Igegania ayaa waxaa ay qoyska ku qasbeen in canuga yar loo wareejiyo xaruun caafimaad oo gaar loo leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee qoyska ayaa awoodi waayay lacagtii loogu adeegi lahaa canuga yar.