Qeybo ka mid ah dalkani Kenya waxaa ka socda dibadbaxyo,iyadoo laamaha ammaanka ay xoojiyeen amniga.
Meelaha ay dibadbaxyada ka dhacayaan waxaa ka mid ah caasimada dalka Nairobi,gaar ahaana wadada weyn ee Thika Road,ismamaulada kale oo ay dibadbaxyada ka socdaan waxaa ka mid ah Machakos,Nakuru,Kiambu,Kisii iyo Kajiado.
Booliiska Machakos waxaa ay madaxa isla galeen dad badan oo wadooyiinka isugu soo baxay si ay u mudaaharaadaan,waxaana la xiray wadooyiin dhawr ah ee ismaamulkaas.
Wadada Thika ee isku xirta baabuurta u safarta ismaamulada Gobolka waqooyi bari ayaa maanta rabshado ka taagan iyadoo Booliska iyo dibadbaxayaal ay is horfadhiyaan.
Tan ayaana keentay in uu maanta hakad galo isku socodka Nairobi ilaa Gobolka waqooyi bari iyadoo aysan jirin baabuur ama basaskii u kala gooshi jirtay Nairobi iyo waqooyi bari ee dalka.
Xaalada qeybo ka mid ah ee dalka ayaa sida tan ahayd.
Dibadbaxyada Saba Saba oo maanta isku badeshey cabsi laga qabo in ay ku soo dhex dhuuntaan dhalinyaro tuugo ah ayaa waxaa wali xiran xarrumaha ganacsi ee xaafada ay soomaalida ku badan tahay Islii ee deegaanka Kamkunji Nairobi.
Waxaa maanta yar dhaqdhaqaaqa xaafada islii oo loogga bartay mid cariiri ah sido kale meelo kala duwan oo dalka ah looga yimaado ganacsi.