Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza sida xildhibaanka deegaanka Bariga Laikipia Mwangi Kiunjuri iyo senatarka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ku dhaliilay inuu shacabka marin habaabinaya.
Waxaa ay Gachagua iyo xubnaha kale ee mucaaraadka ku eedeyeen in aynan kenyaanka uga run sheegin qorshaha horumarineed ee dowladda.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Cabdi Jeexow ayaa dhankeeda dadweynaha ku boorrisay in ay isku diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee 2027-da.




