Barasaabka ismaamulka Kajiado Joseph Ole Lenku ayaa cambaareyay dhacdadii lagu weeraray isbitaal ku yaalo deegaanka Kitengela ee dowlad deegaankiisa dhacdadaas oo sababtay dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Barasaabka oo booqday goobaha ay ka dhaceen weerarada ayaa xusay in dadkii falkaas geestay aysan ka soo jeedin gobolkiisa balse loo soo daabuley inay falal dambiyeed ka geestaan gudaha ismaamulkiisa.