Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa difaacay tallaabada ay dowladdu hannaanka lagu bixiyo miisaaniyadda dugsiyada uga dhigaysa mid casri ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay wanaajinta geeddisocodka bixinta lacagahan , sare u qaadidda daahfurnaanta iyo waxtarkooda.
Mudavadi ayaa xusay in marka qorshahan la dhameystiro , uu gacan ka gaysan doono in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo isticmaalka dhaqaalaha la siiyo dugsiyada guud ahaan waddanka.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa sheegay in ay jiraan warbixinno tilmaamaya in lagu tagriifalay lacago dugsiyo loo qoondeeyay oo ah qiyaastii 2 bilyan oo shilin.
Waxaa uu Musalia Mudavadi carrabka ku adkeeyay in saraakiisha tacliinta si la mid ah waaxyaha kale ay qasab tahay in lala xisaabtamo.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dowladda si gaar ah wasaaradaha waxbarashada iyo midda isgaarsiinta oo iskaashanaya ay xaqiijin doonaan in xilliga habboon la dhameeyo geeddisocodka casriyeynta hannaanka lagu bixiyo lacagaha dugsiyada.
Waxaa uu dhanka kale siyaasiyiinta ugu baaqay in ay ka waantoobaan isla wayninka iyo xushmad darrada ay shacabka u muujiyaan marka ay ka hadlayaan goobaha fagaaraha ah.
Musalia Mudavadi ayaa ku taliyay in la dhageysto da’yarta oo la gacan qabto.