DHEGEYSO:Mucaaradka oo madaxweyne Ruto ku eedeeyay inuu kaniisadaha ku bixiyo lacagta dadweynaha

0
391

Mucaaradka ayaa Sabtidii shalay ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu u isticmaalay hantida dadweynaha si uu u laaluusho kaniisadda, iyagoo sheegay in tallaabadan looga golleeyahay in dib loogu soo celiyo sumcaddii luntay iyadoo qarashka lagu bixinayo Kenyaanka.
Iyaga oo uu hoggaaminaayo madaxa xisbiga Wiper Patriotic Front Kalonzo Musyoka, hogaamiyayaasha mucaaradka oo ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayay baadariyaal ka tirsan kaniisadaha ismaamulka Machakos ayaa uga digay hoggaanka kaniisadda in loo adeegsado marin habaabinta dadka Kenyaanka ah, iyagoo sheegay in ay sameynayaan koox adag oo xilka ka xayuubisa madaxweyne Ruto sanadka 2027-ka.
Mucaaradka ayaa waxa kale oo ay uga digeen hoggaamiyaha qaranka dadaalada wadajirka ah ee lagu burburinayo mucaaradka.
Madaxda mucaaradka ayaa kalsooni ka muujiyay inay madaxweynaha kaga adkaan karaan doorashada 2027-ka, iyagoo sabab uga dhigay ballanqaadyo badan oo aan la fulin oo laga sameeyay gobollo kala duwan.