Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in xukuumadda Kenya Kwanza ay ku guul darreysatay inay kasoo baxdo waajibaadkeeda, ayna ku duufsanayso Kenyaanka iyadoo dhawaanahan ay kor u kacayaan mashruucyo awood siinta ah oo ay maamulayaan hoggaamiyeyaasha xulafada la ah madaxweyne William Ruto.
Waxaa ay hadal ka jeediyeen magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta halkaas oo dhawaan laga hirgeliyay barnaamijka awood siinta haweenka iyo dhallinyaradda.
Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in dowladda ay hadda mashaariicdan u adeegsaneyso sidii ay ugu qarin leheed ku fashilankeeda in ay wax ka qabani wayday maciishada oo sare u kacday.
Mucaaradka oo weerar afka ah ku qaaday dowladda sal ballaadhan, ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan taageeradooda taasoo ay sheegeen inay ku guulaysan doonaan inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Ruto.
Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku guda jiraa booqasho labo maalmood ah oo ay ku marayaan deegaanada u dhexeeya Malili ee ismaamulka Makueni ilaa magaalada Mombasa.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Mucaaradka oo dowladda ku dhaliilay barnaamijka awoodsiinta haweenka iyo dhallinyaradda