Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Fred Matinag’i ayaa ku booriyay hoggaamiyayaasha ka soo jeeda gobolka Nyanza inay sii midoobaan ka dib markii uu geeriyooday Raila Odinga.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Homa Bay, Matiang’i ayaa ku ammaanay Raila inuu ahaa aabe oo qof kasta oo ka soo jeeda gobolka Nyanza ula dhaqma sidii caruurtiisa.
Wasiirkii hore ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Nyaza inay ilaaliyaan midnimada iyo sharafta hoggaamiyihii hore ee ODM.
Matiang’i ayaa sidoo kale dib u xusuustay xiriirka qotada dheer ee Raila uu la lahaa dowlad deegaannada Kisii iyo Nyamira, isagoo sheegay in Raa’iisul Wasaarihii hore uu saaxiibo dhowr ah ku lahaa labada ismaamul, inta badanna uu habeeno ku hoydo guryahooda.
Intaa waxaa dheer, Matiang’i ayaa waxaa uu u xaqiijiyay hoggaamiyayaasha Nyanza in ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada guud ahaan gobolka Nyanza.