DHEGEYSO:Mas’uuliyiin kala duwan oo ka sheekeeyay noloshii iyo siyaasaddii Raila

0
802

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta kenyaanka ku hoggaaminayay aaska qaran ee loo sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in geeridii ku timid siyaasigan ay ku ahayd dharbaaxo xooggan oo shakhsiyeed.
Waxaa uu Raila Odinga ku tilmaamay macallinkiisi siyaasadeed oo ay is barteen sanadkii 1997-dii muddo dheerna ay soo wada shaqeeyeen.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa madaxii xisbiga ODM ku tilmaamay injineer siyaasadeed oo door wayn ku lahaa horumarka dimuqraadiyaeed ee dalka.

Wuxuu ka mahadceliyay in xilli ay caqabado adag oo siyaasadeed jireen in Raila Odinga uu maamulka Kenya Kwanza garab ku siiyey in qaar ka mid ah xubnaha ODM ay ku biiraan dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in kastoo markii hore looga soo horjeeday magacaabidda wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka John Mbadi haddana in sida uu hadalka u dhigay la sameeyay isbeddel muuqda oo ay ka mid tahay yareynta qiimaha sicir bararka.

Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale ka sheekeeyay xilliyadii ugu dambeeyay ee nolosha Raila iyo dadaalkii ay dowladdu ku bixisay inuu helo daryeel caafimaad.
Sidoo kale wuxuu xusay in dad badan ay ku dhaheen Raila ma uunan noqon madaxweyne sidaasi awgeed ha la yareeyo sida loo sharfaya balse uu ku jawaabay inuu ahaa madaxweynaha dadweynaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Oluṣẹgun Ọbasanjọ ayaa dhankiisa sheegay inuu waayay saaxiib ay aad isugu dhawaayeen , wada shaqeyn jireen oo ayna aad isugu kalsoonaayeen.
Waxaa uu sheegay in Kenya , qaaradda Afrika iyo si guud caalamka laga doonaya in looga dhaqmo mabda’ii Raila Odinga ee ahaa in danta qaran laga horumariyo midda shakhsiyeed.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Raila Odinga uu mideeyay qaranka sidaasi awgeedna uu si gaar ah ugu mahadcelinaya shacabka Bondo ee ismaamulka Siaya halkaasi oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka William Ruto iyo shacabka ku boorriyay in la joogteeyo midnimadii uu Raila dalka uga tagay.
Wuxuu sheegay in ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii in isaga iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu kula taliyey in wax kasta oo dhaca aan siyaasad awgeed dhiig loo daadin.

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi oo Raila ku tilmaamay waddani ayaa dowladda India uga mahadceliyay sidii ay u sharaftay ka dib geeridiisi.
Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday in iyadoo la tixgelinaya halgankii dimuqraadiyadeed ee Raila Odinga uu xaqiijiyo in aan la burburin xisbiyada siyaasadeed.
Waxaa uu tilmaamay in sida lagu sharfi karo oo lagu xusuusan karo Odinga ay tahay in aan la faragelin nidaamka xisbiyada badan ee dalka ka jiro ee uu u soo dagaallamay .
Orengo ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan in la jebiyo xisbiyada siyaasadeed si kasta oo iskaashi loo sameeyo.