DHEGEYSO:Mandera dad ku dhaawacmay rasaas wiifto ah oo ka timid Soomaaliya

0
563

Guddoomiyaha ammaanka ku matala dowlada dhexe ee dalka ismaamulka Mandheera Henry Ochako ayaa xaqiijiyay in afar qof ay ku dhaawacmeen rasaas wiifto ah oo ka soo gudubtay xuduudka uu Kenya la wadaago wadanka Soomaaliya xili uu dagaal ka socdo degmad Beledxaawo ee Gobolka Gedo waddanka Soomaaliya.
Mr Ochako ayaa ugu baaqay in dadka deegaanka aysan u dhawaan xuduudka hadii aysan uga xirneen arrin muhiim ah.
Waxaa uu hadalkiisa intaas ku daray in dadkii ku barakacay dagaalka Beledxaawo loo diyaariyay goobo lagu qaabilo sido kalena gargaar cuno iyo daawooyiin loo sameyn doono.

Dhinaca kale waxaa uu ka warbixiyay dhacdo kale oo afar qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay ismaamulka Mandera sido kalena xoolo lagu dhacay.