Senatarkii hore ee ismaamulka Kakamega sidoo kalena soo noqday xoghayaha guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala ayaa sheegay in xalay ay xireen saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka dibna la geeyay saldhigga booliiska ee Nakuru.
Waxaa uu intaasi ku daray in loo sii gudbiyay saldhigga Eldama Ravine oo lagu xiray.
Malala ayaa ku andacoonaya in loo diiday biyo , cunto iyo inuu la kulmo qareenkiisa.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka maxalliga ee KTN ayuu ku sheegay in saacado ka hor la siidaayay isagoo aan lagu wargelin sababtii loo xiray.
Cleophas Malala ayaa saaka sheegay in la la’yahay 15 arday oo ka mid ahaa jileyaasha riwaayadda muranka dhalisay ee lagu waday in ay soo bandhigaan ardayda dugsiga sare ee gabdhaha ee Butere .
Malala oo ah qoraaga sheekada ay riwaayaddu xambaarsan tahay ayaa cambaareeyay xariggiisa iyo in ciidamada booliiska ay xalay sunta dadka ka ilmeysiisa adeegsadeen.