Madaxweyne William Ruto ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in ay lugta ka toogtaan qofkii lagu qabto isagoo dhac u geysanaya goobaha ganacsiga iyo burburinta hantida inta ay socdaan dibadbaxyada.
Intii lagu guda jiray howlgelinta mashruuca guriyeynta booliiska ee xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi Madaxweynaha ayaa u sheegay saraakiisha in aysan dilin laakiin ay lugaha ka toogtaan cid walbo oo rabshada waddo.
Ruto ayaa hoggaamiyayaal siyaasadeed oo uusan magacaabin inay kicinayaan dhallinyaradda.
Waxaa uu sheegay in weerarrada ka dhanka ah saraakiisha booliiska iyo xarumaha sida saldhigyada booliiska loola dhaqmi doono sida falal argagixiso.
Mudaaharaadyada ka socda guud ahaan dalka ayaa bilihii la soo dhaafay sii kordhay iyadhoo dadka Kenyaanka ah ay ka soo horjeedaan xukuumadda madaxweyne William Ruto oo ay ku eedeeyeen inay maciishada sare u qaaday.
Amarka maanta ka soo baxay hoggaamiyaha qaranka ayaa daba socda hadallo isku mid ah oo muran dhaliyay oo uu jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ka dib rabshadihii 25-kii bishii hore ee June, kaasoo uu booliiska ugu baaqay in ay toogtaan qof kasta oo u soo dhawaada saldhig booliis.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Madaxweyne William Ruto oo booliiska amray inay dibadbaxayaasha lugta ka toogtaan oo...