DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo Eldoret xariga kaga jaray wejiga 2-aad ee barnaamijka NYOTA.

0
269

Madaxweyne William Ruto ayaa xariga kaga jaray wejiga labaad ee Mashruuca Fursadaha Qaranka Dhalinyarada ee NYOTA magalada Eldoret, kaas oo ah hindise loogu talagalay in lagu awoodsiiyo dhalinyarada ganacsiga.
Munaasabadda, oo lagu qabtay Eldoret Sports Club, ayaa sidoo kale ah barnaamij lacag bixin ah oo loogu talagalay dhalinyarada guusha gaartay ee u qalantay lacagaha si ay ganacsi ugu bilaabaan.
Wasaaradda Iskaashatooyinka ayaa sheegtay in qiyaastii 50,000 oo ka-faa’iideystayaal ah ay heli doonaan 22,000 oo lagu shubay boorsooyinkooda NYOTA, iyadoo 3,000 oo dheeraad ah loo qoondeeyay akoonkooda keydka NSSF.
Jadwalka lacag bixinta ayaa ka dhici doona ismaamulada Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Nandi, Trans-Nzoia, Turkana, iyo Galbeedka Pokot.
Nakuru wuxuu martigelin doonaa munaasabadaha Janaayo 9-da iyo 12-ka waa ismaamulada Nakuru, Narok, Bomet, Kericho, Baringo, Laikipia, Isiolo, iyo Samburu.
Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ugu yeeray inay lacagtaan sidii loogu tala galay u isticmlaan oo aysan ku cayaaraan.

Dhanka kale Madaxweyne Ruto ayaa mucaraadka ku eedeyay inaysan heysan barnaamij wax ku ool ah oo shacabka anfacay gaar ahaana dhalinyarada.

Dhankiisa Wasiirka dhalinyarada Iyo Isboortiga Salim Mvurya ayaa sheegay in dhalinayardaan ka faa’ideystaan oo ay lacagta si khaldan u isticmaalaan.