Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay Albert Ojwang wuxuuna ugu baaqay ciidamada booliska qaranka inay si degdeg ah u baaraan dhimashadiisa.
Madaxweyne Ruto waxa uu ugu baaqay Adeegga qaran ee Booliiska inay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adda Kormeerka ku samaysaa hawlaha Booliiska ee IPOA si tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah loo qaado si loo fududeeyo baaritaan degdeg ah oo hufan, oo sido kalena lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono askarta beenta ah oo dilaya sumcadda booliiska Qaranka.