Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladdu aynan canshuur dheeraad ah ku soo rogi doonin kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay isticmaalka dakhliga laga helo canshuur uruurinta iyadoo dhanka kale la daboolaya dulduleellada jira.
Kindiki ayaa arrintan shaaca ka qaaday xilli uu maanta ismaamulka Kitui ku daahfurayay barnaamijka dhaqaalaha awoodsiinta.
Waxaa uu intaasi ku daray in aan marnaba wax beer-jilleec ah loo muujin doonin dadka aan bixin canshuurta laga doonaya isagoo xusay in la iskula xisaabtamaya maareynta lacagaha dadweynaha si loola tacaalo lunsashada .
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ballan qaaday in maamulka talada haya uu fulin doono mashaariic muuqda oo ay si toos ah uga faa’iidayaan shacabka.
Waxaa uu ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta dadweynaha.