Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa shacabka ku boorriyey in ay xoojiyaan midnimadooda oo aynan garab siin siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta dadweynaha.
Xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Kacheliba ee ismaamulka West Pokot ayuu Kindiki sheegay in dhanka kale madaxda siyaasadeed laga doonaya in ay aad uga fiirsadaan hadallada ay ka jeediyaan goobaha fagaaraha ah.
Waxaa uu dhaliilay hadalkii uu Talaadadii jeediyay barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga .
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in xitaa haddii aadan qofka jeclayn ay lagama maarmaan tahay in aad tixgeliso waxqabadkiisi.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay ismaamulka West Pokot ka fulinaysa mashruuca xiriirinta adeegga korontada oo ay ka faa’iidayaan 10,200 oo qoys oo dheeraad ah.
Waxaa barnaamijkan ku baxaysa lacag dhan 2 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa tilmaamay in xiriirinta korontada ee dowlad deegaankaasi ay sanadkii 2022-kii ahayd boqolkiiba 35 oo sanadkan la gaarsiin doono boqolkiiba 50 si sanadka 2027-da tirada qoysaska haysta korontada ay u noqoto boqolkiiba 70.
Sidoo kale , waxaa uu xusay in dowladdu ay 25.3 bilyan oo shilin ku maalgelinaysa in ismaamulka Galbeedka Pokot laga dhiso suuqyo iyo guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo.