Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki ayaa sheegay in dadaallada lagu soo celinayo nabadda gobolka Waqooyi Rift ay mira dhaleen iyadoo dowladdu ay dooneyso inay ka faa’ideysato sidii horumar looga sameyn lahaa gobolka.
Kindiki ayaa sheegay in howlgalkii amni ee uu hormuudka ka ahaa markii uu hayay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha uu noqday mid lagu guulaystay isagoo farta ku fiiqay in ay yaraadeen burcaddii iyo falalkii amni darro ee ka jiray deegaanka.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindki ayaa carabka ku dhuftay in qof walba oo Kenyaan ah uu xaq u lahaan doono inuu helo koronto ku filan.