DHEGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo eedeyn kala dul dhacay Mucaaradka

0
406

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki ayaa ku eedeeyay madaxda mucaaradka inay abuuraan kala qaybsanaan, nacayb iyo qabyaalad, isagoo sheegay inay taasi meesha ka saarayso guulihii laga gaaray midnimada iyo horumarinta dalka.
Isagoo ka hadlayay deegaanka Othaya ee ismaamulka Nyeri oo ay ka socotay ka qeyb qaadashada xoojinta dhaqaalaha ee SACCOS iyo ganacsatada yar yar ayuu ku booriyay mucaaradka inay ku deydaan madaxweynihii saddexaad ee Kenya Mwai Kibaki sida naf-hurnimada leh uu dalka ugu adeegey.
Prof. Kindiki ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka Nyeri in maamulka Ruto uu si siman u horumarinayo dhammaan gobolada, islamarkaana aan laga tagi doonin.
Wuxuu xusay in dadka deggan Nyeri ay si weyn uga faa’iideysteen hoos u dhaca lagu sameeyay qiimaha bacriminta oo horey u ahayd Ksh.7,000 kiishka ah taasi oo laga dhigay Ksh.2,500 saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Waxa uu sheegay in dawladdu ay si weyn u maalgalinayso mashaariicda muhiimka ah ee ku kacaya in ka badan Ksh.16 ee suuqyada wax soo saarka cusub, mashaariicda guryaha ee la awoodi karo, iyo hoyga ardayda ee xarumaha jaamacadaha ee gobolka oo dhan.