DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Kenyaanka ku hogaamiyay munaasabadda maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day oo dalka loogu dabaaldago sanad walba 20-ka bisha October.

0
735

Xuska Mashuja Day ayaa maanta lagu qabtay garoonka Ithookwe ee ismaamulka Kitui.
Waxaa munaasabadan ka qeyb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye iyo ra’iisul wasaaraha Mozambique Maria Benvinda Levy.
Dhinaca kale, boqolaal Kenyan ah ayaa loo aqoonsaday halyeey iyagoo saameyn muuqda ku yeeshay hormarka qaranka.
Kumanaan Kenyan ah ayaa maanta oo Isniin ah isugu soo baxay garoonka Ithookwe si ay goobjoog uga noqdaan maalinta halyeeyada.
Madaxweyne Ruto ayaa xuskan kaga faa’idaystay in Raa’isul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ku amaano sida uu uga qeyb qaatay xaslinta Kenya.
Waxaa uuna sheegay in dadkii dhalleeceyn jiray Raila Odinga ay hilmaameen in ay jiraan dalal ka mid ah qaarada Africa oo horey xasilooni uga jirtay ay iminkani qalaalaase ka jiraan balse Raila Odinga uu naftiisa u huray sida uu dalka u xasiliyay.
Madaxweyne Ruto ayaa carrabka ku dhuftay iyadoo lagu guda jiro xuska 7-da maalmood ee baroor-diiqda ah ee geerida Raila Odinga ay habboon tahay maanta in Ra’iisul Wasaarihii hore ee qaranka loo aqoonsado halyeeyay dalka ka baxay.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa u mahadceliyay shacabka ismaamulka Kitui isagoona sheegay in usbuuca dambe uu dowlad deegaankaas ku laaban doono si uu uga shaqeeyo hormarka maamulkaas.
Waxaa uu intaas ku daray in hormarka ka socda dalka laga qadin doonin ismaamulka Kitui.

Dhinaca kale madaxweyne Ruto ayaa ka hadlay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin biyo galin,casriyaynta garoon lagu ciyaaro,suuqyo koronto iyo wadooyiin in uu ka hirgalin doono dowlad deegaanka Kitui oo maanta martigalisay xuska Mashuja Day.

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay arrimaha caafimaadka ayaa sheegay in qof walba oo Kenyaan ah uu xaq u leeyahay helidda daryeel caafimaad oo tayaysan.
Waxaa uuna ugu baaqay shacabka Kitui in ay iska diiwaangaliyaan ceymiska caafimaadka ee SHA.

Waxaa uu dhinaca kale sheegay in dowlada ay u istaagi doonta dhalinyarada shaqo la’aanta ah isagoona u ballan qaaday in dhanka xirfada laga taageri doono dhalinyarada.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dhallinyarada nugul la taageri doono iyadoo loo marayo tababar xirfadeed, ganacsi, iyo taageero maaliyadeed.
Waxaa uuna dhalinyarada ugu baaqay inay iska diiwaangaliyaan Barnaamijka Nyota oo guud ahaan dalka laga bilaabi doono maalinta jimcaha ee usbuucan.