DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo u mahadceliyay dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka

0
184

Madaxweynaha dalka Dr.William Ruto ayaa u mahadceliyay saraakiisha si iskood ah uga shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo badqabka bulshada.
Waxaa uu sheegay in ay safka hore kaga jiraan badbaadinta nolosha shacabka.
William Ruto ayaa saraakiishan gaar ahaan kuwa ka howlgalo ismaamulka Kakamega u sheegay in iyadoo ay iskaashanayaan dowladda sare iyo midda ismaamulka la bixin doono lacagahooda.
Waxaa uu sidoo kale dadweynaha uga digay uuna dhaliilay siyaasadda ku saleysan kala qaybinta iyo qabyaaladda.