DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu oofin doono ballanqaadyadii horumarineed

0
331

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Elgeyo Marakwet waxaa uu ka falceliyay dhaliilaha ka dhanka ah waxqabadka maamulkiisa.
William Ruto ayaa wacad ku maray inuu oofin doono waxyaabihii uu dadweynaha u ballan qaaday xilligii ololaha doorashada ee sanadkii 2022-kii.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in uunan ahayn qof dhimirka ka xanuunsan oo uu fahansan yahay waxyaabaha uu sameynaya.
Waxaa uu sheegay in kastoo dadka dhaliila ay ku tilmaameen qof beenlow ah haddana in mar dhow uu waxqabadkiisa uga yaabin doono kuna ceebeyn doono dadkaasi.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale ka digay in ardayda loo adeegsado dano siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay looga gol-leeyahay in ay ardayda noqdaan kuwo naca waalidiintooda, macallimiintooda , madaxdooda mise qarankooda.
Waxaa uu ku taliyay in si wadajir ah looga soo horjeesta ka ganacsiga balwadda iyo saameynta ardayda.
Dhanka kale , hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in isbeddelo ballaaran lagu sameyn doono waaxda ka ganacsiga caanaha si faa’iidada ugu badan ay u helaan xoolo dhaqatada.