Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa kaniisadda AIC ee Bomani, ismaamulka Machakos sheegay inuu oofin doono wax kasta oo uu kenyaanka u ballan qaaday.
Waxaa uu beeniyay inuu ballan qaadyo tiro badan sameeyay isagoo carrabka ku adkeeyay in keliya sare loo qaaday himilooyinka qaran.
Madaxweynaha ayaa xusay in muddo dheer shacabka iyo hoggaamiyaasha hal-beeggooda la xiriira bixinta adeegyada uu ahaa meel dhexe.
Waxaa uu caddeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhaqangelinta barnaamijyo iyo siyaasado lagu beddelaya waddanka.
Ruto ayaa tilmaamay inuu aaminsan yahay in Kenya ay haleeli karto wax ka badan inta hadda u qabsoontay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA oo uu xusay in muddo 9 bilood gudahooda uu bixiyay adeegyo ka badan kuwii nidaamkii NHIF ku dhawaad 60 sano.
Hogaamiyaha qaranka ayaa u digay maamullada isbitaallada heerarka 2-aad, 3-aad iyo Afaraad oo uu sheegay in ay weli bukaannada ka qaadayaan lacago in kastoo caymiska SHA uu si buuxda u daboolo daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah ee laga bixiyo xarumahan.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo soo hadal qaaday maamulka dowladeed ee la ballaariyey ayaa dhanka kale ku baaqay in lagu dadaalo midnimada iyo wadajirka.
Madaxweyne William Ruto oo sheegay in qorshihiisa uu yahay horumarinta waddanka ayaa xusay in labadii sano ee la soo dhaafay ay qurbaha shaqooyin ka heleen 400,000 oo kenyaan ah.
Waxaa uu tilmaamay in taasi awgeed, lacagaha laga soo diro dibadda ay ku korortay qiyaastii hal bilyan oo doollar.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa ku celceliyay inuu isbeddello horumarineed sameyn doono xita iyadoo dadka qaar ay ku dhaliilayan inuusan ka dhabeyn ballan qaadyadiisi.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa waalidiinta kula taliyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka ka saaran abaabinta carruurtooda.
Waxaa uu sheegay in waalid kasta laga doonaya inuu la socdo dhaqdhaqaaqa carruurtiisa oo uuna baro habdhaqanka wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa waalidiinta uga digay in ay ubadkooda faraha ka qaadaan oo sida uu hadalka u dhigay lagu tarbiyeeyo waddooyinka.
Waxaa uu xusay in dowladda ay doorkeeda ka soo baxaysa oo ay xaqiijinaysa in da’yarta ay helaan waxbarasho , caafimaad iyo shaqooyin balse waalid kasta ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay inuu canuggiisa ka dhiso dhanka anshaxa.
Waxaa uu tilmaamay in saraakiisha ammaanka aan loo tababarin waalidnimo balse la tacaalidda dambiilayaasha.
Waxaa uu waalidiinta waydiiyay waxa ay filanayaan marka ay carruurtooda isugu soo baxaan waddooyinka oo ay ku sugan yihiin booliiska.
William Ruto ayaa xusay in ay jiraan madax dano siyaasadeed ku fushada rabshadaha.
Waxaa uu cid kasta oo ku baaqaysa inuu xafiiska banneeyo mise sheegaysa inuunan mar labaad dalka hoggaamin doonin ka dalbaday in ay la timaado qorshe siyaasadeed oo ku saabsan waxyaabaha ay shacabka u qaban karto.




