DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay qasab tahay in lala dagaallamo musuqmaasuqa

0
209

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in lacagaha dadweynaha loo adeegsado ujeedadii loogu talagalay oo aan lagu takriifalin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhammaan mas’uuliyiinta laga soo billaabo madaxweynaha ilaa wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada lagula xisaabtamaya waxqabadkooda.
Ruto ayaa baarlamaanka ugu baaqay inuu muddo saddex toddobaad gudaheeda ah ku meel mariyo xeer xaqiijinaya la tacaalidda wax isdaba marinta , daneysiga iyo in xilalka ay madaxda hayaan ay u adeegsadaan in iyaga , asxaabtooda iyo ehelladooda ay si gaar ah uga macaashaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday go’aankii uu maalmo ka hor golaha qaran ee xeer dejinta uu dib ugu celiyay hindise sharciyeedka wax ka qabashada daneysiga.
Madaxweynaha ayaa xusay in bishan Afaraad uu dhaqan galay nidaam muddo dheer la sugayay oo qandaraasyada lagu bixinaya qaab casri ah si loola dagaallamo musuqmaasuqa.