DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta tacliin tayo leh

0
389

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta waxbarasho aasaasi oo lacag la’aan ah oo ay helaan dhammaan carruurta kenyaanka ah.
Waxaa uu xusay in ay diiradda saarayaan tayada tacliinta isagoo sheegay in tani ay tahay hadyadda ugu wayn ee ay bulsho siin karto da’yarteeda.
Xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galayay xaafadda Kariobangi ee ismaamulka Nairobi ayuu hoggaamiyaha qaranka ku celceliyay in dowladdu ay maalgashi ballaaran ku sameynaysa arrimaha tacliinta.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in labadii sano ee ugu dambeeyay la howlgeliyay sida uu sheegay 76,000 oo macallimiin ah.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in bisha 1-aad ee sanadka 2026-ka la shaqaaleysiiyo 24,000 oo macallimiin ah.
William Ruto oo tilmaamay in tacliinta aasaasiga ay tahay xaq uu leeyahay muwaadin kasta ayaa yidhi.

Hadalka madaxweynaha dalka ayaa imaanaya iyadoo si wayn loo hadal hayo qarashaadka ay dowladda ku bixiso waxbarashada iyo walaaca taagan ee dhanka gaabadka miisaaniyadeed ah.