DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in aan lagu cabsi gelin karin doorashada 2027

0
214

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta ka tirsan mucaaradka aynan marnaba ku cabsi gelin karin in xilliga codeynta guud ee sanadka 2027-da aan dib loo soo dooran doonin.
Waxaa uu xusay inuu xoogga saaraya fulinta waxyaabihii uu u ballan qaaday dadweynaha .
Ruto ayaa tilmaamay in marka la gaaro doorashada xigta in qof kasta oo mas’uul ah lagula xisaabtami doono waxqabadkiisa.
Waxaa uu mucaaradka ku eedeyay in aynan lahayn qorsho horumarineed.
Ruto ayaa ku celceliyay in cidda qabanaysa xil hoggaamineed ay kenyaanka ku go’aamin doonaan codkooda.

Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale digniin adag u diray dhakhaatiirta iyo maamullada isbitaallada ee isku daya in ay sameeyaan khiyaano la xiriirta caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu soo hadal qaaday tallaabadii dhawaan lagu hakiyay howlaha ilaa 40 isbitaallo ah iyo 12 dhakhaatiir ah oo ku eedeysan in ay lacagao ka khiyaameen hannaanka caymiska caafimaadka ee SHA.

Dhanka kale, waxaa uu u jawaabay shakhsiyaadka dhaliilsan barnaamijka awoodsiinta ee dowladda .
Wuxuu ku tilmaamay kuwo aan ka warqabin sida ganacsatada hoose ay noloshooda iyo tan qoysaskooda ugu maareeyaan lacagaha yar ee maalinkii ay helaan.
Ruto oo ka hadlayay munaasabadda awoodsiinta dhallinyarada iyo ganacsatada ismaamulka Nairobi oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee State House ayaa sheegay in bisha soo socoto dowladda iyo bangiga adduunka oo iskaashanaya ay ilaa 5 bilyan oo shilin ku bixin doonaan in min 50,000 oo shilin la siiyo ilaa 100,000 oo dhallinyaro ah.
Waxaa uu xusay in da’yartan oo ka kooban ilaa 70 ururro ganacsi ah ay noqon doonaan kuwo ka soo jeeda dhammaan deegaannada hoose ee waddanka .