DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shacabka Kitui ugu baaqay in ay isku diiwaangeliyaan SHA

0
380

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta Migwani oo ka tirsan ismaamulka Kitui ka sheegay in dowladdu ay adeegsanaysa ilaa afar xeer oo lagu xaqiijinaya in dhammaan Kenyaanka ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyey in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.

Waxaa uu dhanka kale digniin u diray isbitaallo uu sheegay in ay weli dadweynaha lacago uga qaadayaan adeegyo caafimaad oo ay dowladdu ku talagashay in si lacag la’aan ah lagu bixiyo.

Dhanka kale, William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta shacabka.