Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega , waxaa uu madaxda iyo dadweynaha ku boorriyay in ay nabad galyada ku dadaalaan oo ay midnimadooda xoojiyaan.
Waxaa uu shacabka ku nool gobolka Galbeedka dalka uga mahadceliyay sida ay u taageeraan maamulkiisa.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa carrabka ku adkeeyay inuu ka shaqeynaya midnimada iyo cirib tirka siyaasadda ku saleysan kala qaybinta sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu soo hadal qaaday maamulka dowladeed ee ballaaran ee ay soo wada dhiseen isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Sidoo kale ,madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay shaqaaleysiisay 76,000 oo macallimiin ah oo uu qorshuhu yahay in la howlgeliyo 24,000 oo dheeraad ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in ilaa iyo hadda 41 bilyan oo shilin lagu qarash geliyay in lagu daaweeyo 4.5 milyan oo kenyaan ah oo adeegsanaya caymiska SHA.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladda dhisaysa ay hadda ka shaqeeyaan ilaa 250,000 oo dhallinyaro ah.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa shaaciyay in ugu yaraan 100,000 oo ah ganacsiyada yaryar oo ka jira dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada dalka ay ka faa’iidi doonaan maalgelin dhan 5 bilyan oo shilin oo uu ku taageeraya Bangiga Adduunka.