Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay dowlad deegaanka Mandera si uu halkaasi dhalinyaro ugu goddoonsiiyo barnaamijka Nyota oo ay dowladda wado.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in mashaaricda dowladda ay ku hawlan tahay looga goleeyahay garab istaaga dhalinyarada si ay u helaan shaqo abuur.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in bisha April uu mar kale booqan doono Mandera si uu u furo xudduudka.
Hoggaamiyaha qaranka oo ka hadlay caqabadda koronta la’aanta Mandera ayaa bulshada ismaamulkaas u ballan qaaday in usbuuca dambe uu ka xallin doono koronto la’aanta heysata.




