DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo la dagaallanka musuqmaasuqa

0
604

Qaar ka mid ah shacabka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu ka dhabeeyo hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in la xiraya siyaasiyiinta ku howlan falalka musuqmaasuqa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha qaranka uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah xildhibaannada iyo senatarrada aqalka sare oo wax isdaba marin sameeya.
Hasa ahaate , kenyaanka oo arrintaasi ka falceliyay ayaa dalbaday in madaxweynaha uu amar ku bixiyo in gacanta lagu dhigo shakhsiyaadkan.