Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad ka jeedinayey aaska qaran ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga ayaa sheegay in xisbiga ODM uu qayb ka noqon doono mise soo dhisi doono maamulka xiga ee dowladeed.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa Jaamacadda Sayniska iyo Tiknolojiyadda ee Jaramogi Oginga Odinga ee ismaamulka Siaya sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto in ay si dhow ula shaqeyso xisbiga ODM ee uu Raila hoggaaminayay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu taageeri doono sidii ay ODM u sii jiri lahayd iyadoo awood leh si loo xoojiyo dimuqraadiyadda.
William Ruto ayaa xusay in aan marnaba la aqbali doonin in la burburiyo xisbigan.