Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray dhaliilaha ay jeediyaan hoggaamiyaal uu ku tilmaamay kuwo waxyaabo aan wanaagsanayn ka faafiya qaranka.
Waxaa uu munaasabad kaniiseed oo uu uga qayb galay degmada Maralal ee ismaamulka Samburu ka sheegay in madaxda laga doonaya in ay ka waantoobaan sumcad xumeynta himilooyinka horumarineed ee dowladda.
Ruto ayaa xusay in tani ay carqaladeynaysa guulaha la gaaray.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ku boorriyey in aynan shaki gelin qorsheyaashiisa .
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in si waddanka uu u horumaro ay lagama maarmaan tahay wadajir iyo hadaf laga mideysan yahay.
Waxaa uu sidoo kale dadweynaha kula taliyey in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka oo ayna ku dadaalaan xoojinta midnimadooda.
Xildhibaanadda deegaanka Galbeedka ismaamulka Samburu Naisula Lesuda iyo barasaabka dowlad deegaanka Narok Patrick Ole Ntutu ayaa sheegay in dowladdu ay xallisay caqabado dhanka amniga oo deegaannadaasi ka jiray .
Dhanka kale , siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiang’i ayaa maamulka madaxweyne Ruto ku dhaliilay inuu dayacay waaxyo muhiim ah sida ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
Hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi.




