DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo galabta jeedin doono khudbad qaran

0
155

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa abbaare 2:30 daqiiqo ee galabnimo ee maanta khudbad qaran ka jeedin doono xarunta baarlamaanka.
Waxaa uu khudbaddiisa saddexaad tan iyo markii uu sanadkii 2022-kii hoggaanka Kenya qabtay uga hadli doonaa barnaamijyada ilaa iyo hadda dhaqangalay ee la xiriira qorshaha horumarinta dhaqaalaha iyadoo laga soo billaabaya meesha ugu hooseysa ee loo yaqaano (BETA).
Mashaariicda la filaya in madaxweyne Ruto uu diiradda ku saaro khudbaddiisa waxaa ka mid ah guriyaha qiimo ahaan la awoodo ee ay dowladdu dhisaysa , sanduuqa amaahda ee Hustler Fund, deymaha maxalliga iyo kuwa shisheeye , Sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHIF) iyo maalgelinta jaamacadaha.
Waxaa uu si wadajir ah ula hadli doonaa xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan waxyaabaha ay rajeynayaan in madaxweynaha uu maanta ku soo qaato khudbadiisa.