Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa guddoomiyaasha ismaamullada ku boorriyay in ay soo afjaraan muranka la xiriira maareynta sanduuqa canshuurta lagu dayactiro waddooyinka ee loo yaqaano (RMLF).
Waxaa uu maanta ismaamulka Narok ka sheegay in dowladda sare ay u qalanto maareynta horumarka kaabayaasha.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa carrabka ku adkeeyay in waajibaadka isa saaran ee dowladda sare iyo ismaamullada gaar ahaan horumarinta kaabayaasha waddooyinka ay sababtay dib u dhac iyo xiisado siyaasadeed oo aan loo baahnayn.
Ruto ayaa sheegay in dowladda qaran ay leedahay kheyraad iyo karaan farsamo oo la xiriira waddooyinka.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay khasaare tahay in dowlad deegaannada ay dhisaan dhowr kiilomitir oo ah waddooyinka jaayga loo yaqaano ka dibna ay roobabka saameeyaan.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo barasaabyada iyo senatarrada ay wadaan cadaadis ah in ismaamullada ay qayb ku lahaadaan dhaqangelinta mashaariicda dayactirka waddooyinka si looga jawaabo baahiyaha deegaannada hoose.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale shacabka ku nool ismaamulka Narok kula taliyey in ay iska diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA isagoo sidoo kale ka hadlay qoysas dheeraad ah oo la gaarsiin doono adeegga korontada.