DHEGEYSO:Maamulka Beerta Qaranka ee Amboseli oo lagu wareejiyay dowlada Kajiado

0
117

Maamulka Beerta Qaranka ee Amboseli ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda hoose ee Kajiado xaflad taariikhi ah oo uu guddoominayay Madaxweyne William Ruto.
Wareejintan ayaa calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo ku aaddan kala qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah, ka dib sannado badan oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay dowlada qaranka iyo kuwa degmooyinka oo ku saabsan wadaagga dakhliga iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in wareejinta ay ka tarjumayso sida maamulkiisu uga go’an tahay inuu awood siiyo degmooyinka iyo inuu hubiyo in bulshooyinka maxalliga ah ay si toos ah uga faa’iidaystaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira gobolladooda.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kajiado Joseph ole Lenku ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, isagoo ku tilmaamay “caddaalad taariikhi ah” dadka deegaanka oo muddo dheer la daalaa dhacayay kharashka nolosha duurjoogta iyagoo aan haysan faa’iidooyin u dhigma.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aden Bare Ducale kana mid ah dadka xoola dhaqatada ah oo goob joog ka ahaa munaasabadda wareejinta beerta qaranka Amboseli ayaa tallaabadan ku bogaadiyay madaxweynaha dalka William Ruto.