Dowlada dalka ayaa kala cadaysay dadka ku hoos jira burburka dhismihii ku dumay xaafada South C ee Nairobi.
Dowlada ayaa sheegtay in laga xaqiijiyay muuqaalka CCTvda in labo qof ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.
Warar xalay soo baxay ayaa sheegay in afar qof ay ku xayiran yihiin dabaqa oo ka koobnaa 16 dabaq ah balse dowlada ayaana xaqiijisay in afar qof aysan ahayn oo ay yihiin labo kali ah.
War-saxaafadeed uu Sabtida maanta ah soo saaray wasiirka wasaaradda Adeegga Dadweynaha, Horumarinta Raasumaalka Aadanaha iyo Barnaamijyada Gaarka ah, Geoffrey Ruku, ayaa sheegay in burburka dhismaha uu dhacay abbaare 4:05 subaxnimo shalay .
Dhismahan ayaa ku soo dumay agagaarka Xarunta Ganacsiga ee Muhoho South C.
Wuxuu muujiyay walaaca iyo wadajirka dowladda ee dhammaan dadkii ay saameysay dhacdada, isagoo xusay in isla markii uu helay warbixinta, la hawlgeliyay jawaab degdeg ah oo hay’ado badan leh oo hoos yimaada hoggaanka Qaybta Maareynta Masiibooyinka Qaranka (NDMU).
Labada qof ee nolol iyo geerida aan lagu ogeen ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilaaliyaashii dhismaha burburay.




