DHEGEYSO:KWS oo xaqiijisay in libaax uu cunay gabadh 13 sano jir ahayd

0
299

Waaxda adeegga duurjoogta ee dalka ee KWS ayaa maanta xaqiijisay in gabadh 13 sano jir ahayd uu libaax ku cunay halka loo yaqaano Emakoko oo ka tirsan ismaamulka Kajiado ee duleedka caasimadda waddanka ee Nairobi.
Dhacdadan ayaa shalay laga soo tabiyey goob dhanka Koonfureed uga beegan seeraha qaran ee Nairobi National Park.
Waalidka gabadha iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay waxayna KWS ugu baaqeen in ay xakameyso dhaqdhaqaaqa duurjoogta si looga baaqsado waxyeellada ka soo gaarto shacabka.

Waaxda duurjoogta ee dalka ee KWS ayaa xustay in ay qaar ka mid ah saraakiisheeda u dirtay aagga Emakoko si ay libaaxa u soo qabtaan.
Jimcihii ayay ahayd markii nin 54 sano jir ahaa uu maroodi ku dilay ismaamulka Nyeri.