Kumanaan qof oo ku nool waaxda Lakeview ee deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru, ayaa waxaa saameeyay daadad ay sababeen biyaha sii kordhaya ee Harada Naivasha.
Xaaladdu, oo ka sii dartay bilihii la soo dhaafay, ayaa sababtay dhibaato bani’aadamnimo iyo cabsi laga qabo in cudurro ka dhasha biyaha ay dilaacaan.
Saddex meelood meel ka mid ah meelaha la deggan yahay ee waaxda Lakeview ayaa waxaa qariyay biyaha taasoo saameysay in ka badan 4,000 oo qof.
Dadka deegaanka ayaa dowladda qaranka ka codsaday inay u fidiso gargaar degdeg ah si wax looga qabto dhibaatada bani’aadanimo ee sii kordheysa.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Kumanaan qof oo ku barakacay deegaanka Naivasha ka dib roobab xooggan oo...




