DHEGEYSO:Kooxo burcad ah oo laba qof ku diley ismaamulka Baringo

0
378

Xili uu booqasho ku tagay ismaamulka Baringo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumba Murkomen ayaa kooxo burcad ah waxaa ay laba qof ku dileen dowlad deegaanka Baringo.
Dhacadan ayaa timid iyadoo Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay wali ka socdaan degaannada u nugul burcadda ee Baringo.
Wasiirka amniga ayaa sheegay in 25 Askari oo Booliis ah loo xiray weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay dooxada Kerio Valley.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay oo ay burcadda fuliyeen.