Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in meel walba oo dalka ka mid ah laga hirgeliyo mashaariic horumarineed, isagoo baaq u diray kuwa isku dayaya in ay waddanka ku kala qeybiyaan qaab qabiil.
Isagoo Jimcihii ka hadlayay kulan awoodsiinta ah oo ka dhacay deegaanka Machakos, ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in aysan jirin meel lagu takoori doono maamulka Kenya Kwanza.
Dawladda ayaa haatan Machakos waxaa ay ka dhisaysaa 15 suuq oo casri ah, dhowr mashruuc oo guryaha la awoodi karo oo ay ku jiraan kumannaan unug oo jaamacadeed iyo machadyo farsamo iyo kulliyado ku yaalla gobolka iyo qorshayaal kale oo horumarineed.
Waxaa sidoo kale dib loo soo nooleeyay dhammaan wadooyinkii xirnaa.
Dowladda ayaa waxaa ay sidoo kale balaarinaysaa xiriirinta korontada iyada oo la beegsanayo 6,500 oo xaruumo cusub ah oo ay ku kacayso 1.4 bilyan oo shilinka dalka ah.
Sidoo kale, Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay aad u daneynayso in dhammaan bulshooyinka ay si nabad ah kuwada noolaadaan si loo horumariyo dalka.
Intaa waxaa dheer, Prof. Kindiki ayaa waxaa uu xusay in hindisaha awood siinta looga golleeyahay in kor loogu qaado nolosha dadka Kenyaanka ah iyadoo la abuurayo fursado dakhli-abuureed oo waara, taageeridda ganacsiyada maxalliga ah iyo xoojinta dhallinyarada iyo haweenka.
Waxaa socdaalka ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ku wehliyay mas’uuliyiin kale ee ka tirsan dowladda tallada dalka hayso.