DHEGEYSO:Kindiki oo sheegay inuusan ka welwelsanayn dalabka xisbiga ODM ee kursiga madaxweyne ku xigeenka

0
87

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuusan ka welwelsanayn rabitaanka degdegga ah ee xisbiga ODM ee kursiga uu hayo. Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay inuu yahay khabiir siyaasadeed isla markaana aanu ku dhaqaaqi doonin si aan ka fiirsasho lahayn.
Waxaa uu hadalkan ka sheegay dowlad deegaanka Kirinyaga, halkaas oo hoggaamiyayaasha gobolka bartamaha dalka ee u heellan dowladda ballaaran ay caddeeyeen in kursigiisa aanu u furnayn cid kale.
Sidoo kale hoggaamiyeyaasha la saffan dowladda Kenya Kwanza ayaa dhaliila madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta oo ay shegeen inuu carqaladaynaayo fulinta mashaaricda dowladda.