Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ismaamulka Makueni ka sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in la fuliyo mashaariicda horumarineed iyadoo aan la takoorin deegaan gaar ah.
Waxaa uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay in ay maamulka talada haya fursad u siiyaan inuu oofiyo barnaamijyadii uu u ballan qaaday rayidka.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in laga soo gudbay xilligii adeegsiga siyaasadda ku saleysan qabyaaladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in 11 bilyan oo shilin ismaamulka Makueni looga dhisaya guriyaha qiimo ahaan la awoodo , suuqyo casri ah iyo qaybaha ay seexdaan ardayda jaamacadaha.




