DHEGEYSO:Kindiki oo sheegay in dowladdu ay oofinaysa ballanqaadyadii horumarineed

0
322

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in guulo laga gaaray dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda talada haysa horay ugu ballan qaadday kenyaanka.
Waxaa uu sheegay in dhammaan 290-ka deegaan baarlamaneed ee waddanka ay ka socdaan mashaariicda dadweynaha lagu gaarsiinaya adeegga korontada.
Kindiki ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Meru sheegay in lacag dhan 1.8 bilyan oo shilin loo qoondeeyay sidii kaydka qaran ee korontada loogu xiriirin lahaa 20,000 oo ah qoysas hor leh iyo xarumaha dadweynaha sida dugsiyada iyo isbitaallada.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay Meru ka dhisaysa 14 oo ah suuqyo cusub waxaana howshan ku baxaysa 800 oo milyan oo shilin.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xaqiijinta amniga deegaannada kala duwan ee dalka iyo la tacaalidda kooxaha gaysta falal dambiyeedyada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale siyaasiyiinta ku boorriyay in ay xilligan diiradda saaraan u adeegidda dadweynaha maadaama sida uu hadalka u dhigay la gaari doono xilliga loollanka siyaasadeed.

Arrimahan ayuu ka sheegay munaasabad kaniiseed oo uu uga qayb galay deegaanka Koonfurta Imenti ee ismaamulka Meru.