Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in doorashada guud ee waddanka ka dhaceysa sanadka 2027-da iyo kuwa kaleba ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah.
Kindiki oo u jawaabayay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la oggolaan doonin in dib loogu laabto qalalaasihii 2007-2008-dii.
Xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galayay ismaamulka Busia ayuu madaxweyne ku xigeenka qaranka hadalka mas’uulkii ka horreeyay ku tilmaamay mid khatar ah oo aan laga fiirsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aynan jiri doonin wax rabshado ah oo la xiriira codeynta.
Falcelinta Kithure Kindiki ayaa timid ka dib markii wareysi uu dhawaan Gachagua bixiyay uu kaga digay in ay shaqaaqooyin dhici doonaan haddii 2027-da lagu shubto natiijada doorashada guud.