Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ku booriyay dadka ka soo jeeda gobolka bartamaha dalka in ay joojiyaan siyaasadaha isdiidan oo ay diirada saaraan horumarka.
Isagoo ka hadlayay suuqa kibingoti ee deegaanka Ndia ee ismaamulka Kirinyaga oo uu ku wehliyo Xildhibaanka laga soo doortay Ndia ayuu madaxweyne ku xigeenka sheegay in uu markii ugu horeysay hadal ka quustay in uu arko dadka gobolka Mt. Kenya oo qudhunaya hantida dadka kale sababo la xiriira siyaasad isdiidan.
Ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa kormeer degdeg ah ku sameeyey mashruuca kobcinta dhaqaalaha ee dowlad deegaanka Kirinyaga, waxaana uu daahfuray waddada gasho dugsiga sare ee gabdhaha ee Kiine kaasoo qayb ka ah masruuca waddada weyn ee Kenol iyo Marua xiriirisa.
Kindiki ayaa kula dar daarmay madaxda iyo dadka deegaanka in ay xooga saaraan horumarinta gobolka maadama maamulka isbahaysiga Kenya Kwanza uu doonayo in uu xooga saaro balamihii ay la galeen dadka deegaanka kana fogaadaan horumarka lagu mashquuliyo siyaasado kala qaybsanaanta maadaama dhamaan arimaha siyaasada la xalin doono sanadka 2027-ka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa amaanay madaxwaynihii saddexaad ee waddanka Mwai Kibaki iyo madaxwaynihii afaraad ee Uhuru Kenyatta oo shaqadii loo igmaday u qabteen iyadoo aanay jirin siyaasad isdiidan.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Kindiki oo ku booriyay madaxda gobolka bartamaha dalka in ay joojiyaan siyaasadda...