Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa digniin adag u diray dadka dhaliila dowladda.
Waxaa uu ku boorriyay in ay aad isku xakameeyaan marka ay jeedinayaan hadallada siyaasadeed si looga badbaado in khatar la geliyo nabad galyada , midnimada iyo xasilloonida qaranka.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Kajiado ayuu Kindiki sheegay in kastoo dimuqraadiyadda ay dhiirrigelinaysa xurriyadda in qofka uu dareenkiisa cabbiro haddana in aan loo baahnayn in ay waxyeelleyso wadajirka kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii ay dhacdo xasillooni darro inuu dib u dhac ku imaanaya fulinta mashaariicda horumarineed.
Kithure Kindiki ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka oo xilligii ay hoggaanka la wareegayeen aan wanaagsanayn aynan ku eedeynayn madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu caqabaddaasi u aaneeyay xayiraadihii saameeyay dhaqaalaha ee ka dhashay cudurkii COVID-19.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in la dhameystiri doono dhammaan mashaariicda waddooyinka ee uu hirgelintoodu hakadka ku yimid.