Siddeed arday oo wax ka baranaysay dugsiga sare ee wilasha ee Litein ee ismaamulka Kericho ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib rabshado habeenkii Axadda ka dhacay iskulkaas, kuwaas oo ardayda ay ku kaceen rabshado ay ku gubeen fasalada iyo burburinta xafiisyada.
Ardayda ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen maamulaha Iskuulka oo ay ku eedeeyeen in uu gacan sareeyo arrimaha la xiriira daawashada ciyaaraha horyaalka Premier League.
Waalidiinta ayaa walaac ka muujiyay wax ay ku sheegeen in ay tahay habacsanaan, iyagoo xusay in afar jeer dugsiga la burburiyay saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Booliiska ayaa xaqiijiyay in la xiray siddeed arday oo lagu helay hanti la sheegay in ay lahaayeen shaqaalaha iskuulka.
Isagoo dhaleeceynaya burburinta, Xoghayaha Waxbarashada Julius Bitok ayaa waxaa uu uga digay ardayda inay burburiyaan dusgiyada isagoo faray saraakiisha waxbarashadda inay aad u feejignaadaan.
Qaar ka mid ah waalidiinta iyo dadka deegaanka ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay ka dib markii dugsiga albaabada loo laabay muddo aan la cayimin.