DHEGEYSO:Kenyaanka oo loogu baaqay in aynan isku colleysan siyaasiyiinta awgood

0
388

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii ahna madaxa abaabulka ee siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ee baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa shacabka ugu baaqay in siyaasiyiinta awgood aynan isku colleysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta ay aad isugu dhow yihiin ayna ku xiran tahay garabka uu xilligaasi qofka siyaasiga ah ka tirsan yahay.
Osoro ayaa sheegay in tusaale maadaama uu hadda dowladda ka tirsan yahay inuu amaano waxqabadkeeda balse haddii uu mucaaradka ku biiro inuu dhaliili doono garabka muxaafidka ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in siyaasiyiinta xisbiga UDA ay bilooyin ka hor dhaliili jireen madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ka hor inta uunan ku soo biirin isbeheysiga Kenya Kwanza.
Osoro ayaa yiri annagaa isu dhow, maanta waan is gafeyna berrina waan is jeclaanaynaa ee darteenna yaysan dadweynaha isku laayin.