DHEGEYSO:Kenya oo Tanzania kala xaajoonaysa xayiraado ganacsi

0
728

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay billowday wada hadallo dibloomaasiyadeed oo la doonaya in lagu xalliyo go’aan ay dowladda Tanzania dhawaan ku mamnuucday in dadka aan waddankaasi u dhalan ay ka qayb qaataan ilaa 15 ganacsiyo ah.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in tallaabadan ay halis ku tahay ganacsiga iyo isdhexgalka gobolka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in ay u muuqato mid dembi ka dhigaysa maalgashiyada sharciga ah.
Mudavadi ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Dr. William Ruto oo sidoo kale ah guddoomiyaha jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC), uu si toos ah ula xiriiray madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xassan si arrintan xal looga gaaro.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu go’aanka dowladda Tanzania iyo sida ay Kenya uga soo horjeedda uu la wadaagay dhiggiisa dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka Lee Kinyanjui ayaa dhankiisa sheegay in haddii aan lagu guulaysan dadaallada dibloomaasiyadeed in Kenya ay aargoosan doonto oo ay xayiraado ku soo rogaysa ganacsiyada Tanzania ee gudaha dalka.
Waxaa uu sheegay in Tanzania ay ku xadgudbaysa heshiisyada jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ee la xiriira xaqiijinta ganacsi xor ah.
Isniintii ayay ahayd markii wasaaradda ganacsiga ee Tanzania ay isbeddel ku sameysay leesimada ganacsiga.
Waxay shaacisay in ganacsiyada sida dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha tafaariiqda ah, goobaha dumarka lagu qurxiyo, lacagaha la isugu diro taleefoonnada gacanta , cillad bixinta taleefoonnada , maamulka guriyaha , dallaalka guriyo dhisidda ,lahaanshaha mashiinnada khamaarka ,lahaanshaha warshadaha yaryar,aasaasidda shirkadaha warbaahineed,shirkadaha alaabaha geeya meelaha kala duwan iyo hagidda dalxiisayaasha in keliya loo oggolyahay muwaadiniinta dalkaasi.
Waxaa arrintan ka hadlay wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka Tanzania Selemani Saidi Jafo.